Muqdisho (Dawan)- Gobalka Banaadir ayaa maanta guul ku billaabay tartanka Kubadda Cagta ee Maamul Goboleedyada kadib markii uu hal gool iyo waxba ugu awood sheegtay Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.
Kulankaan ayaa ahaa kii labaad ee la ciyaaro kadib Kulankii furitaanka ee dhex maray Hirshabeelle iyo Galmudug kaas oo ku dhamaday barbar dhac hal iyo hal ah.
Ciyaariyahanka Khaalid ayaa goolka qura u dhaliyay Gobolka Banaadir daqiiqaddii 53-aad ee ciyaarta, waxaana ku adkaatay ciyaariyahanada Koonfur Galbeed in ay soo taabtaan shabaqa.

Guushaan ayaa ka dhigan in Gobolka Banaadir uu 3 dhibcood ku hoggaaminayo tartanka ilaa iyo hadda in kasta oo Jubbalanad aysan weli ciyaarin.
Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa wada leh min hal dhibcood, halka Koonfur Galbeed aysan helin weli wax dhibco ah.

Ciyaarta maanta waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiin ka kala socday Xiriirka Kubadda Cagta, Hey'adaha Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleeyada iyo kumanaan taageerayaal ah kuwaas oo soo buux dhaafay Garoonka Muqdisho.





