Jabuuti (Dawan)- Hogaamiyaasha dalalka Jabuuti iyo Masar ayaa kawada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa xasiloonida gobolka iyo baqadka marinada badda.
Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siisii uu qadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta iskaashiga dalalka Qaaradda Afrika iyo qaab dhismeedka Midowga Afrika, si looga jawaabo arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dalalka Afrika iyo shucuubtooda.
Geelle iyo dhiggiisa Masar, waxay caddeeyeen sida ay ugu han weyn yihiin xoojinta xiriirka soo jireenka ah ie isku xira labada dal , iyagoo carrabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay sii wadida horumarinta iskaashiga wadajirka ah gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, isweydaarsiga ganacsiga, iyo sidoo kale sii wadida wada tashiga la xiriira arrimaha gobolka



