Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomaya seddex safiir oo cusub kuwaas oo wakiil uga noqon doona dalalkooda Jabuuti sanadaha soo socda.
Seddexda safiir ayaa kala ah; Marwo Cynthia Kierscht, Safiirka Mareykanka, Marwo Denisa-Elena Ionete, Safiirka Midowga Yurub iyo Maxamed Naasir, safiirka Aljeeriya.
Dhammaan dublamaasiyiintan waxay leeyihiin maqaamka wakiilka joogtada ah iyo awoodda buuxda ee ay dalalkooda ku metelayaan.

Safiirka cusub ee Mareykanka, ayaa sheegtay inay ka go'an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo amni ee kala dhexeeya Jabuuti. Cynthia Kierscht waxa ay sidoo kale daaha ka qaaday in ay aad ugu faraxsantahay inay ka howl gasho Jabuuti oo ah dal istaraatiiji u ah caalamka iyo Geeska Afrika, marka la eego dhinacyada amniga gobolka, xasiloonida iyo kobaca dhaqaalaha, waxayna ku bogaadisay Madaxweyne Geelle hoggaankiisa siyaadeed iyo kaalintiisa gobolka.
"Inti aad hoggaanka haysay, Jabuuti waxa ay horumar la taaban karo ka samaysay nabadda, xasilloonida iyo horumarka dhaqaalaha," ayay tiri Kierscht.







