Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa daah furay bandhiggii saddexaad ee ganacsiga caalamiga ah ee Jabuuti, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu soo bandhigo dhaqaalaha, hal-abuurka iyo dhinacyada ganacsiga ee dalka Jabuuti.
Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Jabuuti Yuusuf Muuse Dawaleh, Wasiirka Waxbarashada Mustafa Maxamed Maxamuud, xubno ka socday bandhigga, marti sharaf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Carwada ganacsiga caalamiga ah ee Jabuuti ayaa sannadkaan lagu soo bandhigay fursadaha cusub ee ganacsi iyo sida loo sameyn karo iskaashi iyo wada shaqeyn dan u ah dadka iyo dowladda.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in munaasabaddaan ay soo jiidan doonto maalgashadayaasha Jabuuti, isla markaana ay xoojin doonto kaalinta ganacsi ee ay Jabuuti ku leedahay Gobolka.
“Waxaa sharaf ii ah inaan daah-furno bandhigga 3-aad ee Carwada Ganacsiga Caalamiga ah ee Jabuuti, iyada oo lagu soo bandhigayo fursadaha ganacsi ee dalkeena iyo heerka uu dhaqaalaheena la egyahay. Dhacdadaan weyn waxay xoojinaysaa mawqifka Jabuuti Gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.



