Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xariga ka jaray Warshadda Tamarta ka dhalin doonta dabeysha oo laga hirgeliyay deegaanka Goubet ee dalkaas.Warshaddaan ayaa ah tii ugu horreysay nuuceeda oo laga hirgeliyo Jabuuti ayaa loogu tala galay in kor loogu qaado Waaxda Tamarta dib isu cusubooneysiisa.
Madaxweyne Geelle oo munaasabadda daah furka mashruucaan ka jeediyay khudbad ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay Warshaddaan u leedahay muwaadiniinta Jabuuti iyo kor u qaadista tayada Korontada iyo dhaqaalaha dalka.
Geelle ayaa shegay in hirgelinta mashruucaan marqaati ka yahay ka mira dhalinta himilada mustaqbalka iyo tillaabooyinka loo qaaday dhanka horumarka.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa khudbaddiisa ku sheegay dhowr qodob oo ay Warshaddaan kusoo kordhin doonto Jabuuti, waxaana ka mid ahaa
1- In muwaadiniinta Jabuuti heli doonaan koronto nadiif ah oo raqiis ah.
2- In Warshaddaan ka qeyb qaadan doonto koboca dhaqaalaha Jabuuti
3- In la yareeyo ku tiirsanaanta Shidaalka iyo korontada ka timaada dibadda.
4- Shaqo abuuris ballaan oo ay ka faa'iideystaan muwaadiniinta Jabuuti
5- Ka mira dhalinta dadaalka Jabuuti ay ugu jirto la dagaalanka isbeddelka cimilada, iyada oo la dhimaayo qiiqa hawada lagu sii daayo.



