Jabuuti (Dawan) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay si rasmi ah u daah-furay xerada millatariga ee “Maryama” oo dib-u-casriyeyn ballaaran lagu sameeyay, si loo kordhiyo awoodda iyo tayada tababarka ciidamada, looguna taageero hawlgallada nabad-ilaalinta ee gobolka.
Xeradan ayaa lagu kordhiyay dhismayaal cusub oo loogu talagalay hoggaanka, maamulka iyo hoyga ciidamada, iyadoo sidoo kale la qorsheeyay qaybo gaar ah oo loogu talagalay saraakiisha haweenka iyo martida heerka sare ee ku sugnaan doonta xerada.
Madaxweyne Geelle oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in xerada “Maryama” ay noqon doonto xarun muhiim u ah tababarka ciidamada nabad-ilaalinta, isla markaana ay door weyn ka qaadan doonto xasillinta gobolka.
“Ujeeddada loo aasaasay xaruntan cusub waa inay gacan ka geysato nabadeynta iyo xasillinta gobolka,” ayuu yiri, isaga oo raaciyay hadalkiisa “Tani waxay noqonaysaa hantida cusub ee adeega awoodda dalkayaga ee sii wadi doona hawlaha nabadda ee gobolka.”






