Jigjiga (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaiïl Cumar Geelle, ayaa maanta ka qeybgalay xafladda xarig-jarka mashruuc weyn oo Dalxiiska Shabeeley , kaasoo laga hirgeliyay Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Madaxweyne Geelle, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa bogaadiyay jihada horumarineed ee mashruuca iyo aragtida dowladda Itoobiya ee ku aaddan horumarinta dalxiiska iyo isku xirka bulshada. “Waxaan maanta u joognaa halkaan inaan ka qeybgalno dabaaldega xarig-jarka goobtan dalxiis ee loogu talagalay nasashada, is-barashada iyo horumarinta dhaqaalaha,” ayuu yiri Geelle.
Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaalida Itoobiya ay mar kale muujiyeen kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, isagoo tilmaamay in horumarkaasi uu yahay mid loo wada dhan yahay.




