Kigali (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee Axadda ka qayb galay caleema saarka madaxweynaha Rwanda ee dib loo doortay markale, Paul Kagame.
Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Rwanda ayaa ka dhacday garoonka Amahoro Stadium ee magaalada Kigali oo ah mid ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee ugu weyn dalka Rwanda, iyada oo ay goob joog ahaayeen madax ka kala socotay caalamka gaar ahaan qaaradda Afrika.
Madaxweyne Geelle markii uu gaaray Kigali waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Rwanda Dr. Edouard Ngirente.

Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato dhiggiisa Rwanda iyo qaar ka mid madaxda kale ee munaasabadda kasoo qaybgashay, gaar ah madaxda dalalka ay Jabuuti wadaagaan xiriirka iyo iskaashiga xoogan.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa loo dhaariyay xilka shan sano oo kale ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii bishii hore ka dhacday dalkaas isagoo helay in ka badan 99 % codadkii la dhiibtay.




