Dubai (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) ee ka socda dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in hoggaamiyaasha caalamka looga baahanyahay in wax ka qabtaan isbeddelka cimilada oo noqday mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn xilligaan la joogo.
Madaxweyne Geelle ayaa ku baaqay in lasii laba jibbaaro dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada iyo kulaylka sii koraya ee caalamka, isaga oo dhinaca kale sheegay in loo baahanyahay in dalalka horumaray ay qaataan mas'uuliyadda ugu weyn ee wax looga qabanayo isbeddelka cimilada.
Geelle ayaa ka sheegay shirka dadaalka ay Jabuuti ugu jirto sidii loo dhimi lahaa qiiqa lagu sii daayo hawada, iyaada oo la dhisay Warshad dabeysha ka dhalisa korontada si loo helo tamar nadiif ah kana qeyb qaadata ilaalinta deegaanka.





