Jabuuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay guddoomiyaha guddiga Midowaga Afrika, Muuse Faki oo ka qayb galay shirki 3aad ee iskaashiga Afrika iyo Turkiga ee labada maalin ka socday Jabuuti.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii looga shaqayn lahaa xasiloonida, iskaashiga iyo horumarinta dalalka Africa, iyada oo laga faa'iideysanayo fursadaha iyo awoodaha qaaradda Africa ee kala duwan.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo ay Jabuuti ugu jirto dadaal xoogan sidii ay ugu guuleysan lahayd doorasahda soo socota ee hoggaanka Midowag Africa, waxaana murashax u ah wasiirkeeda arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf.
Muuse Faki ayaa Jabuuti uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ula shaqaysay mudda xileedkiisa sii dhamaanaya ee guddoomiyaha guddiga Midowga Africa.



