Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee Axaddii qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ciidamada Taageerada Deg-degga ah (RSF), Maxamed Xamdaan Daglo, kaas oo booqasho ku maraya maalmahaan dalalka Geeska Afrika.
Kulanka Geelle iyo Daglo ayaa kusoo beegmaya iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda ay Jabuuti marti geliso wada xaajood dhax mara dhinacyada Suudaan.
"Booqashada Jeneraal Maxamed Xamdaan Daglo ee Jabuuti waxay la xiriirtaa dadaallada dhexdhexaadinta ee Madaxweyne Geelle, oo hadda ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, si xal looga gaaro colaadda ka jirta Suudaan" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jabuuti.
Madaxweyne Geelle iyo Xamdaan ayaa intii uu kulankooda socday waxa ay ka wadahadleen xaaladda dalka Suudaan, waxayna isla soo qaadeen sidii xal waara looga gaari lahaa colaadaha u dhaxeeya labada ciidan ee isku haya dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhawaan sheegay in dalkiisu marti gelin doono kulan u dhaxeeya dhinacyada Suudaan si looga wada hadlo joojinta colaadda iyo xallinta khilaafadka taagan ee sababay dagaalka ay ku naf waayeen kumanaanka qof.
Wasiirka ayaa wada hadallada ku tilmaamay kuwa muhiim ah oo go’aan looga gaarayo colaadda Suudaan ee daba dheeraatay, basle ma sii faahfaahin.
Arbacadii Lasoo dhaafay. Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku wargelisay in dib loo dhigay kulankii Madaxweynaha Golaha Qaranimada Suudaan, Cabdifataax Al-Burhan, uu la yeelan lahaa Taliyaha Ciidamada Taageerada Deg-degga ah, Maxamed Xamdaan Daglo ilaa bisha Janaayo.





