Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo soo bandhigay qorsha sannadeedka xukuumaddiisa ayaa sheegay in xooga la saari doonto mashaariic waawayn oo dalka laga fuli doono dhawaan si kor loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha.
Siyaasadda Jabuuti ee gudaha
Hormarinta Dekadaha, dhuumaha shidaalka, la jaan qaadidda technology-ada casriga, dardargelinta dhincyada dalxiiska, caafimaadka iyo tamarta ayaa ka mid ah istiraatiijiyada uu soo bandhigay Geelle
Geelle ayaa yiri; " Ballaarinta hawlaha dekedaha iyo qaybaha kale sida isgaarsiinta iyo tamarta ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha" isaga oo tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la sahmiyo ilo kale oo lagu xoojin karo kobaca dhaqaala dalka.
"Waa in aan sii wadnaa dadaalladayada kala-duwan ee dhaqaale annagoo maal-gelinayna qaybaha muhiimka ah sida dalxiiska, beeraha, tamarta la cusboonaysiin karo iyo warshadaha yaryar," ayuu hadalkiisa raaciyay Geelle.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa hay'adaha kala duwan ee dalkiisa ku amaanay dadaalki ay ka sameeyeen kobaca dhaqaalaha sannadka ee dhan 7% iyada oo caalamka ay ka jiraan caqabado badan oo ka dhan ah dhaqaalaha ah.
Mar uu ka hadlayay arrimaha haweenka iyo dadka qaba baahiyaha gaar ah, waxa uu wasiiradiisa ku amray inay ka shaqeeyaan sidii loo cirib tiri lahaa xadgudubyada ku salleysan jinsiga iyo faquuqa, iyada oo si buuxda haweenka looga qayb gelinayo howlaha kala duwan ee dowladda si loo helo bulsho is kaabeysa oo kawada shaqaysa horumarka guud
Waxa uu yiri, Geelle; "Howsheenu waa inaan xaqiijono wax u qabashada dadka nugul si loo hubiyo inay helaan guryo jaban loona yareeyo dhibaatooyinka soo wajaha muwaadiniinta"



