Addis Ababa (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u diray Ra’iisul Wasaraha Itoobiya Abiy Axmed farriin la xiriirta iskaashiga labada dowladood, waxaana farriinta gaarisiiyay Abiy Axmed, Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta booqasho ku tegay dalkaas.
Ra’iisul Wasaraha Itoobiya ayaa bartiisa X kusoo qoray in xiriirka nuucan ah uu u adeegayo iskaashiga iyo kobcinta isfahanka arrimaha ka dhexeeya labada dhinac, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay iskaashiga danaha labada dowladood iyo xasiloonida gobolka.
Iskaashiga diblomaasiyadeed ee dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa la meelmariyay sannadkii 1897-kii, iyada oo isbddel xoogan uu ku yimid marxaladihii lasoo dhaafay, waxeyna labada dal iska kaashadaan dhinacyada kala duwan sida, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo waxbarashada.
Tan iyo bishii May 1998, waxay dowladda Itoobiya go’aansaday in ay dhammaan badeecadaha dalkeeda kala soo degto dekedda Jabuuti kadib markii ay dagaalkii Eritrea ku waaysay dekaddii Assab .





