Riyaad ( Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ee maanta lagu qabtay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ammaanay kaalinta ay dowladda Sacuudigu ka qaadato maalgashiga iyo horumarinta dalalka Afrika.
Geelle oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudigu ay tahay tusaale lagu daydo marka lasoo hadal qaado taageerada horumarinaeed ee qaaradda Africa, iyada oo kaalin udub dhexaad ah ka qaadaneysa horumarka Geeska Africa iyo dalal dhaca Badda Cas.
Madaxweyne Geelle ayaa yiri "Dowladda Sacuudigu kuma koobna dhinaca maalgashiga oo kaliya ee sidoo kale waxa ay ka qayb qaadata baxnaaninta siyaasadda iyo amniga"





