Nairobi 17 December 2025 (Dawan) – Garsooraha Maxkamadda Sare ee dalka Kenya, Maxamed Ibraahim, ayaa geeriyooday isagoo 69 jir ah, sida ay xaqiijisay Hay’adda Garsoorka Kenya.
Garsoore Ibraahim ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi, waxaana geeridiisa ka tacsiayadeeyay madaxa Garsoorka Kenya, Marwo Martha Koome, iyada oo ku tilmaamtay tiir muhiim ah oo ka baxay bahda Garsoorka.
Garsoore Ibraahim ayaa dhowaan galay fasaxii kama dambaysta ahaa, isagoo isu diyaarinayay inuu galo hawlgab marka la gaaro 1-da Janaayo 2026, markaas oo uu gaari lahaa da’da dastuuriga ah ee 70 sano.
Maxamed Ibraahim oo ahaa garsoore sare oo sumcad weyn ku leh gudaha Kenya, ayaa loo magacaabay Maxkamaddii Sare markii ugu horreysay bishii Juun 2011, isaga oo tan markaas kaalin muuqata ka qaatay go’aano taariikhi ah oo la xiriira dastuurka iyo doorashooyinka.
Waxa uu kasoo shaqeeyay waaxyaha dacwadaha madaniga, ganacsiga iyo dastuurka, isaga oo horay garsoore uga soo noqday magaalooyinka Eldoret iyo Mombasa.





