Athens (Dawan) – in ka badan 100 muhaajiriin ah, kuwaasoo badankoodu rag ahaayeen, ayaa Maaanta Isniinta, laga qaaday jasiiradda Crete loona raray dekedda Piraeus ee magaalada Athens, si loo diiwaan geliyo loona geeyo xarumaha xabsiga, sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta maxalliga ah.
Arrintani ayaa imaaneysa iyadoo Dowladda Giriigga ay si ku-meelgaar ah u hakisay dhammaan codsiyada magangelyo ee ka imaanaya muhaajiriinta kasoo talaabaya waqooyiga Afrika, gaar ahaan Libya, kaddib markii ay sare u kaceen dadka xeebaha Crete kasoo dega, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency.
Tallaabadani waxa ay imaneysaa kadib markii 11-kii Luulyo, baarlamaanka Giriigga uu ansixiyay sharci si weyn u adkeynaya siyaasadda socdaalka kaa soo ah :
• Hakinta codsiyada magangelyada ee muhaajiriinta ka imaanaya Afrikada waqooyi.• Xiridda dadka si sharci darro ah kusoo gala, iyadoon la geeyneen xarumaha soo dhoweynta.• Dhismayaal xabsi oo cusub ayaa la qorsheynayaa in laga hirgeliyo Crete, Piraeus iyo Lavrio.Wasiirka socdaalka Thanos Plevris ayaa tallaabada ku sifeeyay “duullaan sharci-darro ah”, isagoo sheegay in dadkaasi aysan “xaq u lahayn inay magangelyo codsadaan.”
Xukuumadda Giriigga ayaa maraakiib dagaal iyo ilaalada xeebaha u dirtay meel u dhow xeebaha Libya, si loo xakameeyo tahriibka iyo shabakadaha dadka ka ganacsada.
15 July, Wasiirka Arrimaha Dibadda George Gerapetritis ayaa booqday magalada Benghazi, halkaasoo uu kula kulmay Khalifa Haftar, hoggaamiyaha ciidamada bari ee Libya, si ay uga wada hadlaan sidii loo joojin lahaa muhaajiriinta kasoo dhoofaya xeebaha Libya.





