Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa mar kale war kasoo saartay xiisadda Badda ee ka dhalatay heshiiskii is-afgradka ahaa ee Dowladda Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen 1-dii bishaan January.
Shir ay Golaha Wasiirada Jabuuti ka yeesheen saameynta ay xiisaddaan ku yeelan karto xasiloonida Gobolka ayaa si cad loogu taageeray madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa hore u caddeysay mowqifkeeda ku aaddan heshiiskii is-afgradka Badda ee ay kala saxiixdeen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishan January.
Wasaaradda ayaa tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Dowladaha xubanaha ka ah Urur Goboleedka IGAD.
“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka Urur Gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti.





