Muqdisho(Dawan)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muddo sanado ah ay jiraan dad aan waligood gobolka usoo shaqo tagin ama aan shaqo u qaban, balse ay mushaar ka qaadanayeen, iyadoo dadkaas qaarkood uu agaasimay Maamulka.
Qoraal uu Agaasimaha waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir, Xuseen Cabdulle, ku soo qoray bartiisa Facebook ee 30-ka Juun 2025, ayaa lagu sheegay in ay jiraan dad badan oo aan shaqo u qaban gobolka, balse ay mishaar ka qaataan. Tusaale ahaan, Xuseen Cabdulle ayaa sheegay in Cabdinaasir Ismaaciil, sida uu sheegay, tan iyo 2018-kii uu ka qaadanayay gobolka Banaadir lacag dhan $4,800 bil kasta.
Xuseen Cabdulle ayaa sheegay in Cabdinaasir Kaligiis uusan ahayn, balse ay jiraan boqolaal kale oo la mid ah, isaga oo balan qaaday in aysan mar dambe lacagaha aan shaqada ku saleysneyn la siin doonin. " Canshuurta Hooyo Soomaaliyeed oo maskiin ah laga qaaday laguma dalxiisi doon," ayuu yiri Xuseen Cabdulle.





