Garissa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa shaaciyay in dowladda mudnaan gaar ah siisay dardargelinta mashaariic horumarineed oo laga fulinayo gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan ismaamullada Garissa, Wajeer, iyo Mandera.
Mashaariicdan ayaa la fulin doonaa iyada oo la kaashanayo saaxiibbada Kenya, waxaana lagu bixin doonaa lacag dhan 300 bilyan oo shilin.
Ujeedada mashaariicdan ayaa ah in deegaannada xoolo dhaqatada laga sameeyo horumar dhaqaale iyo mid bulsho, iyadoo diiradda la saarayo kaabayaasha dhaqaalaha sida gaadiidka, wax soo saarka beeraha, biyaha, caafimaadka, waxbarashada, tamarta, iyo badbaadinta bulshada.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Kenya oo kaashanaysa Bangiga Adduunka iyo hay'adaha kale ay u suurta gashay dhaqangelinta mashaariicdan, kuwaas oo fulintooda loo marayo heerar kala duwan.





