New York (Dawan)- Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka ayaa beri ka shiraya xaaladda Soomaaliya, iyada oo warbixin laga dhegeysan doono Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu yiri; " Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya berito oo Isniin ah tarikhduna ku 24-ka Juun saacadu markay tahay 5:00 galabnimo xiliga magaalada Muqdisho".



