New York, 28 Diseembar 2025 (Dawan) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu berri oo Isniin ah yeesho kulan degdeg ah, si uu uga doodo saameynta siyaasadeed iyo tan sharci ee ka dhalatay ku dhawaaqista Israa’iil ee ah in Somaliland tahay dowlad madax-bannaan.
Kulankan ayaa imanaya kaddib codsi degdeg ah oo ay gudbisay Dowladda Soomaaliya, taas oo tallaabada Israa’iil ku tilmaantay “weerar si ula kac ah loogu qaaday” madax-bannaanida dalka iyo midnimada dhuleed.
Kulanka ayaa isha lagu wada haya, iyadoo si weyn loo sugayo mowqifyada ay qaadan doonaan xubnaha Golaha Ammaanka.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in xubnaha goluhu ay u badan tahay in ay dhaliilo kulul u jeediyaan go’aanka Israa’iil, maadaama aqoonsiga hal dhinac ah uu halis ku yahay nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, isla markaana uu yahay tusaale khatar ah oo ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah.





