Muqdisho (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulan deg deg ah oo looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee xiisadda ka dhalatay heshiiskii ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland kowdii bishan January.
Heshiiska Is-afgaradka ah ayaa u fududeynayaa Itoobiya in ay hesho saldhig ciidan iyo bad ay u adeegsato ganacsiga iyada oo Somaliland u aqoonsan doonta dal madax bannaan.
"Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta lagu wadaa inuu yeesho kulan degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha Geeska Afrika. Kulanka ayaa daba socotaa heshiiskii sharci darrada ahaa ee Itoobiya ay la gashay gobolka Somaliland, kaas oo ku xad-gudbay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, khatarna ku ah nabadda iyo amniga gobolka,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweis Jaamac.
War qoraal ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Faransiiska oo ah Guddoonka Golaha in uu soo abaabulay kulan looga hadlayo xiisadda Bariga Afrika iyada oo laga jawaaabayo codsigii ay Soomaaliya u dirtay Golaha 23-kii January.
Warqadda ay Soomaaliya u dirtay Golaha Ammaanka , waxa ay ku sheegay in heshiiska is-afgaradku uu ka dhigan yahay xad-gudub sharci-darro ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, maadaama ay Somaliland qayb ka tahay dhulka Soomaaliya, sida ay Soomaaliya ku dooday.
Itoobiya oo ka jawaabeysa arrintan ayaa 26-kii January u dirtay warqad ay ku muujinayso sida ay diyaarka ugu tahay ka qaybgalka wadahadal uu garwadeyn ka yahay Midowga Afrika, balse waxay ka hor timid in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu arrintaan soo fara geliyo maadaama uu ku howlanyahay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika.






