New York (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu Khamiista u codeeyo qaraar qabyo ah oo ku saabsan in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay.
Qaraarka waxaa soo gudbisay dowladda Algeria arbacadii iyada oo ka wakiil ah Kooxda Carabta.
Qoraalka qaraarka qabyada ah wuxuu soo jeedinaya in Falastiin loo aqoonsado xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Falastiin ayaa hore u heshay xubinimo aan buuxin kadib markii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ogolaaday 29-kii November, 2012.





