Kismaayo, 22 December 2025 (Dawan)- Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay qorshaha dhammeystirka dhismaha Golaha Mustaqbalka, aragtiyo iyo mabaadi'da saldhig u noqonaya hawlaha Golaha ee mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Golaha oo maamlmihii lasoo dhaafay ku shiraay magaalada Kismaayo ayaa meelmariyay qaab-dhismeedka iyo waajibaadka Golaha Mustaqbalka,iyada oo la dhisay guddi ka kooban 6 xubnood kuwaas oo ka kala socda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Guddigan ayaa loo xilsaaray isku xirka iyo socodsiinta hawlaha Golaha, waxaana sidoo kale loo igmaday in ay diyaariyaan qorshe hawleedka horutabinta u leh Golaha Mustaqbalka, kaas oo soconaya muddo saddex bilood ah, si loo dardar-geliyo hawlaha muhiimka ah ee siyaasadeed, amni, iyo dhaqaale ee dalka.






