Nairobi, 22 Janaayo 2026 (Dawan)— Isbahaysiga mucaaradka ee loo yaqaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta oo Khamiis ah ku shiraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay go’aan uga gaaraan casuumaddii ka timid Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Shirka ayaa la filaya inay isugu imaadaan xubno ka tirsan golaha, inkastoo tiradooda aan si rasmi ah loo shaacin.
Kulanka waxaa diiradda lagu saari doona martiqaad ay xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo saartay Isniintii, kaas oo loogu baaqay golaha inay ka qeyb galaan shirka wadatashiga qaran ee Muqdisho ka furmaya 1-da Febraayo, shirkaas oo goluhu hore u codsadeen.





