Muqdisho (Dawan)- Golaha Wadatashiga Qaran ayaa caawa ka shiray heshiiska ay Dowladda Itoobiya la saxiixatay Somaliland kaas oo u ogolaanaya in ay isticmaasho Badda Soomaaliya. Golaha ayaa shirkooda kadib soo saaray War-murtiyeed u qornaa sida soo socota:
WAR-MURTIYEED
2 Janaayo, 2024; HORDHAC
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ku yeesheen Muqdishu Janaayo 3, 2024. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Ujeeddada kulanka deg degga ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah in Goluhu uu jawaab ka bixiyo heshiiska is-afgaradka lagu sheegay ee dhexmaray maamulka Soomaaliland iyo Dawladda Itoobiya oo xadgudub ku ah gobannimada Soomaaliya.
Golahu Wadatashaga Qaran markuu arkey:
1.Dastuurka Soomaaliya qodobadiisa xeerinaya gobannimada, midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo awoodda Xukuumadda Federaalka ee gelista heshiisyo caalami ah iyo u hoggaansanaanta heerarka dawladda ee Dastuurka Soomaaliya.





