By Abukar Osman
📍 Hargeysa, Somaliland – 12 Abriil 2025Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa si rasmi ah u ansixiyay go’aan ay ku dalbanayaan in aanay xukuumadda Somaliland wax wada-hadal ah oo danbe la gelin dowladda Federaalka Soomaaliya. Go’aankan oo qayb ka ahaa qaraar si buuxda loogu codeeyay ayaa muujinaya in Somaliland gebi ahaanba ka laabanayso wadahadalladii hore ee la xiriiray arrimaha Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu ku tegay magaalada Laascaanood isagoo wata safar uu ugu magacdaray “Safarka Midnimada,” kaasoo la xiriira deegaanka SSC-Khaatumo. Somaliland ayaa ku tilmaantay booqashadaas mid si toos ah uga hor imaanaysa qaranimadeeda iyo madax-bannaanideeda.



