Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladaha Itoobiya iyo Turkiga.
"Heshiisyada goluhu ansixiyey ee ay galeen ayaa ku saabsan dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare" ayaa lagu yiri qaraal lala wadaaagay warbaahinta kadib kulanii Khamiislaha ee Golaha wasiirada.
Qoraalka ayaa intaas ku daray, in sidoo kale Golaha Wasiiradu ansixiyey soo jeedintii Wasaaradda Maaliyadda ee habraaca maamulka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee bixinta qandaraasyadda dowladda.






