Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.)
Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Golaha Wasiirada.
Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa tilmaamay in dakhliga guduhu kordhay 25% seddexdi bilood ee ugu dambeysay taas oo muujineysa sida ay Soomaaliya uga go'antahay in kor loo qaado dakhliga dowladda.





