Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta go'aamiyay in mushaarkooda bisha lagu taageero dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab, iyada oo laga jawaabayo baaqii madaxda dowladda ee ahaa in aan loo kala harin dagaalka Al-shabaab, sida uu sheegay Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda Khamiis laha ku ansixyay warbixinta sannad maaliyadeedka 2022 iyo afar hindisyo sharciyadeed oo kala aha; Hindisa Sharciyaadka Diiwaanka Sakada, Hindisa Sharciyaadeka Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada Iyo Cimilada, Hindisa Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedka iyo Kahortagga Afduubka iyo Hindisa Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacyaasha.



