Muqdisho (Dawan ) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Dambiyada Sayberka, kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sharcigaan ayaa xoogga saaraya ilaalinta sirta, badbaadada iyo amniga nidaamyada kombiyuutarrada, shabakadaha iyo barnaamijyada. Waxa kale oo uu diiradda saarayaa ka-hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarrada, oggolaanshaha iyo habraacyada baarista, dacwad ku oogista iyo ciqaabidda dambiyada sayberka.
“Sharcigan waxa uu diiradda ilaalinta dhaqaalaha qaranka iyo kaabayaasha xogeed ee muhiimka ah,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.






