Hargeysa. 11 December, 2025 (Dawan)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa ansixiyay Xeerka Abuurka Beeraha, kadib kulankii ay yeesheen Arbacaadi ee uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),
Intii kulanku socday, Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Cali Baashe Maxamed, iyo Wasiirka Horumarinta Beeraha, Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa Golaha la wadaagay warbixin dhamaystiran oo ku saabsan qabyo-qoraalka xeerkan, iyagoo sharaxay muhiimadda uu u leeyahay kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha, tayeynta abuurka, iyo abuurista nidaam casri ah oo hagaya horumarinta beeraha .
Madaxweyne Cirro oo ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in xeerkan uu yahay mid lagama maarmaan u ah amni-cunnadeedka, horumarinta dhaqaalaha, iyo yareynta ku tiirsanaanta abuurka dibadda. Waxa uu yiri: “Xeerkan wuxuu xoojinayaa wax-soo-saarka beeraha iyo tayeynta abuurka dalka.”






