Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad milatari iyo amni oo dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Sacuudiga, kaasoo ay golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul soomaaliya , Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyo sidoo kale warbixin ku saabsan diyaar-garowga iyo qabanqaabada howlaha Xajka ee sanadkan.
Heshiiska milatariga iyo amniga ee lala galay dalka sacuudiga ayaa la filayaa inuu kor u qaado tayada tababarrada ciidanka, qalabaynta, iyo is-weydaarsiga xogaha sirdoonka, kuwaas oo fudleen kara xaqiijinta amniga dalka.





