Muqdisho 20 December 2025 (Dawan)— Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday hakad ku-meel-gaar ah oo lagu sameeyay dhammaan hawlaha waxbarasho ee Gobolka Banaadir, taas oo qayb ka ah diyaar-garowga doorashooyinka golayaasha degmooyinka ee la filayo inay ka qabsoomaan caasimadda 25ka bishaan December.
War-saxaafadeed ay Wasaaraddu soo saartay maanta oo Sabti ah ayay ku sheegtay in dhammaan xarumaha waxbarashada ee Banaadir, sida iskuullada, machadyada iyo jaamacadaha a xirayo muddada u dhexeysa 21 illaa 25 Diseembar 2025. Tallaabadan, sida lagu sheegay bayaanka, waxaa looga gol leeyahay in la fududeeyo diyaargarowga iyo howlaha la xiriira doorashooyinka degmooyinka ee ka dhacaya guud ahaan gobolka.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday maamullada xarumaha waxbarasho ee loo asteeyay hawlaha doorashada inay si dhow ula shaqeeyaan guddiga doorashooyinka, si loo xaqiijiyo isku-duwid hufan inta lagu jiro muddada xiritaanka.
Wasaaraddu waxay caddeysay in maalmaha waxbarasho ee ka baaqday gadaal looga dari doono kaltirsiga sannad-dugsiyeedka 2025-2026, si loo hubiyo in manhajka sannad-dugsiyeedka si buuxda loo dhammaystiro.




