Hargeysa (Dawan)- Guud ahaan deegaanada Somaliland, waxa maanta looga dabaal degaya munaasabadda 18 May oo sannadkan ku beegsan sannad guuradii 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada Waqooyi ay ku dhawaaqeen in ay ka go'een Soomaaliya inteeda kale, lana baxeen dowladda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dadweyne isagu soo baxay munaasabadda kula hadlay magaalada Burco ayaa ka sheekeeyay xaaladda ay Somaliland hadda ku suganatahy, doorashooyinka dhici doona bisha November, wada hadalladii ay la galeen dowladda Soomaaliya iyo heshiiski ay dhawaan wada saxiixdeen dowladda Itoobiya ee ku saabsanaa badda.
Mar uu Muuse ka hadlaayay wada hadalladii dhax maray Soomaaliya iyo Somaliland waxa uu sheegay in dhinacooda ay kasoo baxeen dhamaan ballamihii la wada galay balse waxa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay burisay wixii lagu heshiiyay, wuxuua yiri, "Sagaal jeer baanu Soomaaliya wada hadalnay intiiba iyagaa ka baxay"
Waxa uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay burburin lahayd Somaliland haddii ay awood u leedahay isaga oo sheegay in ay ku dhufan lahayd hubka wax baabi'iya ee Nukleerka
" Soomaaliya haddii ay Nukleer haysan lahayd, way nagu dhufan lahayd, carada ay noo qabaan"
Biixi ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland aysan aqbali doonin wax ka duwan in loo aqoonsado dowlad madax bannaan mudda kasta oo ay qaadato.
Biixi waxa uu tilmaamay in dhaqan gelinta heshiiski uu 1-dii January la saxiixday Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu marayo meel gabagaba ah, iyada oo la marsiinayo nidaamka sharciga ah ee u yaal Somaliland "Dhinaca Somaliland u diyaar-garowgii farsamo ee heshiiska isfaham waa inoo diyaar waxana loo gudbin doonaa goleyaasha baarlamaanka"

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.






