Muqdisho (Dawan)- Xogahayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa caddeeyay in Goluhu oggolaaday mooshin looga doodayo heshiisyadii amniga ee ay Xukuumadda Soomaaliya la gashay Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.
Qoraal kasoo baxay Xogahayaha oo nuqul ka mid ah uu helay Tv-ga Dawan ayaa u qornaa sidaan " Waxaan ku caddeynaya in la qabtay Mooshin ujeedadiisu tahay codsi heshiisyadii amni ee Xukuumadda DanQaran la gashay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo dalka isutagga Imaaraatka Carabta"
Arrintaan ayaa kusoo beegmayasa maalin kadib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay xeer burinya is-afgaradkii ay Dowladda Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen 1-dii bishaan January ee dhanka Badda.
Bishaan oo kale sannadkii 2023 ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabtu kala saxiixdeen iskaashi dhanka milatariga, amniga iyo la dagaallanka argagixisada la xiriira.






