Muqdisho (Dawan)- Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay Guddiga La Socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay isku khilaafeen xilliga la gudbinayo isbeddellada cutubyada cusub ee dastuurka iyo habka latashiga ee dowald goboleedyada Puntland iyo Jubaland.
Senator Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, Guddoomiyaha ku-xigeenka guddiga, ayaa sheegay in khilaafka uu keenay in guddigu labo qeybood u kala baxo, isla markaana cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka la qorsheynayo in baarlamaanka loo soo gudbiyo Arbacada soo socota, kadib markii afar cutub oo horey u ansixiyeen.
Senator Cabdirisaaq ayaa sidoo kale xusay in ay muhiim tahay in dadka iyo maamullada Puntland iyo Jubaland inay ka qayb qaataan latashiyada dastuurka, si la mid ah dowlad-goboleedyada kale ee dalka, inkastoo maamuladaas ay horay xiriirka ugu jareen dowladda dhexe, taasoo saamayn ku yeelatay safarrada guddiga ee deegaanadaas.





