By bakarosman
Muqdisho, Soomaaliya – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta si rasmi ah u guddoonsiiyay shahaadada ururnimada Ururka Midowga Soomaaliyeed, kaasoo noqday ururkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loo diiwaangeliyo tan iyo markii la shaaciyay furitaanka diiwaangelinta ururrada siyaasadeed.
Munaasabadda lagu guddoonsiinayay shahaadada ururnimada ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Guddiga, Abdikarim Ahmed Hassan, Guddoomiye ku-xigeenka Saadiq Abshir Garaad, iyo xubno ka tirsan GMDQS.
"Maanta waxaanu shahaado guddoonsiin doonaa dhammaan ururada buuxiyey shuruudihii looga baahnaa si ay u noqdaan ururo rasmi ah oo la aqoonsan yahay. Waxaan si gaar ah ugu diiwaan gelinaynaa ururka Midowga Soomaaliyeed," ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Guddoomiyaha ayaa xusay in tartan adag uu u dhaxeeyo ururada siyaasadeed ee doonaya in la diiwaan geliyo, isagoo tilmaamay in ilaa 6 ilaa 7 urur horey u soo gudbiyeen codsiyadooda. Wuxuu sidoo kale rajo ka muujiyay in Soomaaliya ay u gudbayso nidaamka doorasho qof iyo cod ah, taasoo muhiim u ah xasiloonida siyaasadeed ee dalka.





