Muqdisho — Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa 28-kii bishan si rasmi ah uga hadlay eedeymo la xiriira habka ay ku wadaan diiwaangelinta codbixiyayaasha, gaar ahaan ardayda jaamacadaha Muqdisho, kuwaas oo mucaaradka ku eedeeyay in si qasab ah oo ku salaysan awood ciidan loogu qasbayo in ay isdiiwaangeliyaan.
Cabdullaahi Salaad Yarow, oo ka tirsan guddiga doorashooyinka, ayaa sheegay in jaamacadaha qaarkood ay codsadeen in guddigu ugu tego xarumahooda, si loogu fududeeyo diiwaangelinta ardayda, maadaama ardaydu aysan fursad ku filan u helin in ay isdiiwaangeliyaan xilliyada shaqada ee guddigu furan yahay.
“Maalmaha shaqada oo ah Sabti illaa Khamiis marka la shaqeeyo, Jimcaha oo la nasanayo, ardayda jaamacadaha waxay fursad u waayeen in ay is diiwaangeliyaan xilli uu guddigu shaqeynayo, sidaas darteed ayay jaamcadaha qaar kamid ah ay codsi u soo gudbisteen in diiwaangelinta inta ay hadda u jirto looga soo dhaweeyo,” ayuu yiri Cabdullahi Salad Yarow.



