Soomaaliya, 24 Sebtember 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay diiwaangelinta 18 urur siyaasadeed oo cusub, kuwaas oo dhammaan buuxiyay shuruudihii sharci ee looga baahnaa si ay uga mid noqdaan ururrada siyaasadeed ee dalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga Talaadadii ayaa lagu sheegay in ururradan cusub ay si buuxda u waafaqeen xeerarka dalka u yaalla, oo ay ka mid yihiin: sharciga dhismaha guddiga, xeerka ururrada siyaasadeed, iyo sharciga doorashooyinka guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddigu wuxuu yiri: “GMDQS wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku wargelinayaa Liiska Ururrada Siyaasadda Soomaaliya ee ka faa’iideystay dib u furidda Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadeed.”





