Muqdisho, Soomaaliya — Abdirahman Abdishakur Warsame, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo xildhibaan federaal ah, ayaa maanta baraha bulshada ku sheegay in fal gurracan ay wadaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka, isagoo ku eedeeyay inay cadaadis xooggan ku hayaan jaamacadaha magaalada Muqdisho oo si qasab ah loogu diiwaan geliyo ardayda, macalimiinta, iyo shaqaalaha jaamacadaha.
Warsame ayaa intaa ku daray in guddigu ay ugu hanjabeen jaamacadaha in haddii ay diidan ay tallaabo ka qaadi doonaan, isla markaana ay adeegsan doonaan ciidanka ammaanka.
“Diiwaangelinta, codaynta, iyo ka qeyb galka doorashooyinka waa xuquuq dastuuriga ah oo ikhtiyaari ah, mana aha mid qasab ama cabsi gelin,” ayuu yiri Warsame.



