Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka (NIEBC) ayaa 1-dii Maarso shaaciyay qorshahooda ku aaddan doorashadan, taas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho, xarunta Soomaaliya.
"Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka, isagoo gudanaya waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uu shaacinayaa jadwalka doorashada ee buuxinta kursiga bannaan ee tirsigiisu yahay GSH#248," ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah ee guddiga.
Guddiga Doorashooyinka ayaa xaqiijiyay in doorashadan ay daba socoto codsi rasmi ah oo ka yimid Guddoomiyaha Golaha Shacabka, si loo buuxiyo booska bannaan. Doorashadan ayaa loo qabanayaa si waafaqsan Sharciga Doorashooyinka ee 2017, waxaana ergada dooran doonta xildhibaanka ay soo xuli doonaan odayaasha dhaqanka ee beesha kursigan leh.
Hannaanka Doorashada





