By Asha Elmi
MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta shaaca ka qaaday in qalabka diiwaangelinta dadweynaha berri loo diri doono magaalooyinka Baydhabo, Dhuusamareeb, iyo Jowhar, taasoo qayb ka ah ololaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee guud ahaan dalka.
Guddoomiyaha ayaa hadalkan ku sheegay xilli lagu guda jiray kulan talo-gelin ah oo ay lala yeesheen ururrada siyaasadda ee soo gudbinta liiska musharaxiinta, kaasoo ka dhacay Muqdisho.
Sidoo kale, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa xaqiijiyay in wafdi ballaaran uu guddiga u diray dowlad-goboleedyada dalka si uu u kormeero goobaha loo qorsheeyey codbixinta, isla markaana ay socdaan raridda qalabka diiwaangelinta iyo bilowga ololaha diiwaangelinta ee dowlad-goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed.







