Soomaaliya , 20 Oktoobar 2025 (Dawan Africa) — uddiga Madaxa-bannaan ee Qaranka ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (NIEBC) ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu kulan la yeelan doono saddex xisbi mucaarad ah — Samadoon, Dhulka Hooyo, iyo Xaqsoor — si loo dhageysto cabashooyin rasmi ah oo la xiriira habka diiwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolka Banaadir.
Guddiga oo maanta faafiyay warqadda wicitaanka, taas oo uu sheegay in Axaddii loo diray saddexda xisbi mucaarad, iyadoo ajandaha kulanku yahay dhageysiga cabashooyinka ay qabaan. Kulanka ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo Arbacada, 22-ka Oktoobar 2025, xarunta dhexe ee guddiga ee Muqdisho.
Sida lagu sheegay warqadda uu saxiixay guddoomiyaha guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, kulanka waxaa lagu qaban doonaa:
1. In la dhageysto cabashooyinka ay saddexda xisbi mucaarad ku soo gudbiyeen bayaankoodii wadajirka ahaa ee 15-kii Oktoobar 2025.
2. In dib loo eego dhammaan agabka taageeraya cabashooyinka, oo ay ku jiraan qoraallo, muuqaallo ama caddayn dijitaal ah.
3. In la cadeeyo walaacyada la xiriira hufnaanta diiwaangelinta codbixiyayaasha, madaxbannaanida hay’adda, iyo daahfurnaanta geeddi-socodka doorashada.





