Taiwan (Dawan)- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf, iyo wafti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tegay Taiwan kadib markii uu casuumaad rasmi ah helay, waxaana soo dhaweeyay Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Taiwan iyo mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay in Guddiga Doorashooyinka Somaliland lagu marti qaaday doorashada dhawaan ka dhacaysa Taiwan si ay goob-joog uga noqdaan hannaanka ay doorashadaasi u dhacayso.
Weftiga ayaa inta ay ku sugan yihiin Taiwan waxay la kulmi doonaan Wasiirka Arimaha Dibada Taiwan Dr. Joseph Wu iyo madax kale .

Labada Guddi dooraasho ee Taiwan iyo Somaliland ayaa waxay isweydaarsan doonan aqoon iyo khibrad dhinaca doorashooyinka la xiriira, waxeyna isla garteen in lasii xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxeysa si loosii hormariyo dimuqraadiyadda.
Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.







