Mandheera (Dawan)- Hogaamiyayaasha Gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya ayaa ku eedeeyay guddiga adeegga Macalimiinta ee TSC in uu ku guul darreystay horumarinta heerarka waxbarashada ee Gobolka .
Hogaamiyayaasha soo jeediyay eedeynta ee kala ah xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen (Lagdera), Aadan Daa'uud (Bariga Wajeer) iyo Yuusuf Faarax ( Galbeedka wajeer ) ayaa ku kulmay shir arrimaha waxbarashada oo uu qabtay Xildhibaanka Faafi, Saalax Yacquub
Xildhibaanadu waxay sheegeen in ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadaha dhanka waxbarashada taasoo uu guddiga adeegga Macalimiinta ee TSC caqabad ku noqday.

Xildhibaanada ayaa intaas ku daray in guddiga adeegga Macalimiinta uu dhegaha ka furaysatay codsigoodi ahaa in Macallimiin dheerad ah oo u dhigma tirada ardayda ee sii kordhaysa iyo bedelka Macallimiintii iskaga cararay deegaanka amni daro awgeed la keeno goobaha wxbarashada
Dhanka kale, waxa ay Xildhibaanadu tilmaameen in la gaaray waqtigii Baarlamaanku uu meel marin lahaa hindise sharciyeedka yareynaya awoodda baaxadda leh ee guddiga adeegga Macalimiinta, taas oo ay ku eedeeyeen dhibaatooyinka waxbarashada ee Gobolka Waqooyi-Bari.





