Soomaaliya, 22 Sep. 2025 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab,” ayaa si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ku dhawaaqista ayaa habeennimadii Axaddii ka dhacday xaflad lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbiga Muqdisho, taas oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sarre, oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo sidoo kale ah guddoomiye ku-xigeenka xisbiga, iyo Xoghayaha Guud Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan (Odawaa).
Muungaab ayaa go’aankiisa ku qeexay mid dabiici ah oo ka tarjumaya doorkiisii ka gudoomiye gobol ahaan iyo midka siyaasadeed iyo taageeradii uu horey u siiyay xisbiga, isaga oo sheegay, “Dadaalkii laftayda aan ku bixiyey kaalinta weyn ee dhallinyarada hadda xisbiga ku jirta, kaalinta aan ku lahaa, in ay caawa kala dhacdo waxa weeye waxaan is leeyahay Ilaah Subxaanahu watacaalaa ayaa qadaray, anigana waxaan is leeyahay waan mudnaa. Amaan afkaaga kaa horreysa la dhahaa, markaa aad ayaan ugu faraxsanahay.”
Muungaab waxaa 28-kii Maajo 2025 u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ka horna wuxuu ka tirsanaa Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, oo maanta ka mid ah mucaaradka ugu xooggan ee dowladda.





