Muqdisho (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay dadka caasimadda deggan inay ka wada qeyb qaataan la dagaalanka xoogaga Al-shabaab, isaga oo u digay dadka kacabsanaaya Al-shabaab.
"Haddii cadawgu kusoo laabato Xamar, nabad lagu joogi maayo, sida darteed waxaan qabaa inaan u diyaar garowno kulligeen, yar iyo weyn, wiil iyo gabar, culumo iyo caami, aqoonyahan, cid kastaba inaan baxno ayaa la rabaa” ayuu yiri, guddoomiye Madaale.
Madaale ayaa u hanjabay dadka ka baqaaya Al-shabaab ee aan dowladda ka baqeynin, isaga oo sheegay in xabsi la dhigi doono dadka ka dhumaanaya la dagaalanka xoogaaga Al-shabaab.
"Dad badan oo xasbi ku jira ayaad arki doonataan, odayaal akhyaar isu heysta iyo ganacsatada ka baqeysa Al-shabaab. Haddii ay naga cabsan waayaan anaga oo dowlad ah , Shabaabna ka cabsanaayaan, waxaan tuseynaa in anagana nagala casban karo. Waa ka daba geyneynaa, cid aan ka yeeleyno ma jirto, xabsiga ayaa lagu uraaya" ayuu yiri goddoomiyaha gobolka.



