Muqdisho (Dawan)- Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa lagu sheegay in xilkii Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda laga qaaday Dr Xasan Cumar Mahad-Allah.
" Maanta oo ay taariikhdu tahay 15- October 2023, waxa uu Madaxweyne Dr. Xassan Sheekh Maxamuud xilkii ka qaaday Guddoomiyhii Jamacadda Umadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah, iyadoo loo magacaabay xilka sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal sida ku cad xeer Madaxweyne LR 144" ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Wasaaradda .Qoraalka ayaa intaas raaciyay in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Umadda, Faarax Sheekh Cabdulqaadir uu faray xafiisyadda Jamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal.
Bishii April, 2021, ayaa Dr Xasan Cumar Mahad-Allah loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda.



