Gursum, 21 October 2025 (Dawan) — Degmada Gursum ee Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay si rasmi ah u daahfurtay nidaamka casriga ah ee dakhli ururinta dijitaalka ah, ee Loo yaqaano E-tax, kaas oo lagu beddelayo habkii hore ee gacanta lagu maamuli jiray.
Xaruntaan ayaa waxaa xarigga ka jaray Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Dakhliga Dawlad-Deegaanka Soomaalida, Cabdiwaaxid Cabdi Qorane, oo uu wehelinayay Guddoomiyaha Degmada Gursum, Cabdirisaaq, iyadoo lagu sheegay in nidaamkan cusub uu yahay mid kor u qaadaya hufnaanta, isla markaana yareynaya musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha.
Wasiir-ku-xigeenka ayaa sheegay in nidaamkan cusub uu qayb ka yahay istiraatiijiyadda guud ee Xafiiska Dakhliga Dawlad-Deegaanka Soomaalida ee lagu dhisayo nidaam daahfuran oo waafaqsan teknoolojiyadda casriga ah, si loo hubiyo in dakhliga gudaha si caddaalad ah loo ururiyo.
“Waxaan ka guurnay nidaamkii hore ee gacanta lagu maamuli jiray, waxaan u guurnay nidaam dijitaal ah oo toos u diiwaangelinaya ganacsatada, kana fog musuqmaasuq iyo lunsasho dhaqliga ah,” ayuu yiri Cabdiwaaxid.







